Diyaarado dagaal oo duqeeyay degaan ka tirsan gobolka Gedo

0
104

Wararka naga soo gaaraya degaanka Ceel Cadde ee gobolka Gedo ayaa waxaa ay sheegayaan in diyaarado dagaal ay duqeeyeen Kolonyo ay leeyihiin maleeshiyada Al-Shabaab oo maraayay degaanka Ceel Cadde ee gobolka Gedo.

Taliyaha ciidanka dowladda Soomaaliya ee gobolka Gedo Cabaas Ibraahim Guray ayaa u xaqiijiyay warbaahinta duqeyntaasi, waxaana uu sheegay in lagu dilay dagaalyahano ka tirsan Al-Shabaab.

Duqeynta ayaa ka dhacday meel u dhow Degaanka Ceelcadde waxaana ay diyaaradaha dagaalka ay beegsadeen Kolonyo ay la socdeen Al-Shabaab sida ay sheegayaan Saraakiisha dowladda.

ilaa iyo Hadda lama ogga Khasaaraha ka dhashay.duqayntaasi dowlada somaliya ayaa wada howlgalo lagu ciribtiraayo kooxda nabad diidka ah ee alshabaab

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here