Donald Trump oo Somalida ku tilmaamay halista Maraykanka

0
94

Portland(RKGS)—Musharaxa Madaxtinimda Xisbiga Jamhuuriga ee Dalkan Mareykanka Donald Trump ayaa mar kale diiradda saaray shucuubta Islaamka iyo Dadyowga soogalootiga Dalka Mareykanka.

Donald Trump ayaa Soomaalida iyo kuwa kaleba ku sheegey inay halis ku yihiin ammaanka Dalka Mareykanka.

Trump oo ka hadlayay Magaalada Portoland ee Gobolka Maine ee Dalka Maraykanka ayaa sheegay in somalida iyo dad kale ay khatar ku yihiin nabadgalyada iyo xasiloonada dalkaasi, isagoo ku tilmaamay inay ka imaanayaa meelo khatar badan loona baahan yahay in la joojiyo.

Ninkani ayaa ah mid mar walba weerar afka ah ku qaada Dadyawga Islmaanka, balse waxaa arrintiisa ka soo horjeesta Masuuliyiinta kale ee dalkaasi, iyagoo ku tilmaama inuu yahay Nin iska hadla, hadaladiisana ay ka buuxaan deelqaafyo badan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here