Donald Trump oo wiil gabadhiisa qaba u magacaabey la taliyaha sare ee Aqalka Cad

0
96

Madaxweynaha la doortay ee Maraykanka Donald J Trump ayaa nin uu sodog u yahay oo lagu magacaabo Jared Kushner u magacaabey la taliyihiisa sare ee Aqalka Cad.

Jared Kushner oo hadda 35-sano jir ah, wuxuu kaalin muhiim ah ka cayaarey ololihii Trump uu xilka ugu tartamay, waxaana horay loo hadal haayey in xilkaan uu qaban doono.

Shaqadiisa cusub ee Aqalka Cad ayaa ku saabsanaan doonta dibadda iyo gudaha Maraykanka. Mr. Kushner oo qaba gabadha Trump ee Ivanka Trump, wuxuu ka shaqeeyaa mashaariicda dhulka, kaas oo leh dano ganacsi oo ballaaran.

Xisbiga dimuqraadiga ayaa ku baaqay in dib u-eegid lagu sameeyo magacaabidda oo ay ku tilmaameen inay tahay “qaraabo-kiil iyo is-dhexgal dano kala duwan,” iyagoo ku baaqay dib eegis lagu sameeyo magacaabidda.

Xubnaha guddiga cadaaladda ayaa ku booriyey in waaxda cadaaladda iyo xafiiska anshaxa dowladda inay faragelin ku sameeyaan arintaan.

Xilli sii horaysay, Trump wuxuu Kushner ku tilmaamey “qof aad ugu weyn” uuna ku faraxsan yahay inuu u magacaabo xil siyaasadeed maamulkiisa kamid ah.

Trump oo ah ganacsade kasoo jeeda magaalada New York, waxaa 20-ka Janaayo loo dhaarin doonaa inuu noqdo madaxweynaha 45-aad ee Maraykanka.

Xubnaha kooxda Trump waxay ku doodayaan in sharciga diidaya in xil loo magacaabo qoyska uusan khusayn Aqalka Cad.

Sidoo kale waxaa jiro sharciga anshaxa oo diidaya in shaqaalaha dowladda aysan wax faa’ido ah ka heli karin ganacsiga. Balse qareenka Mr. Kushner wuxuu sheegay inuu shaqada ganacsiga ka tegayo hadii uu qabto shaqada lataliyaha Aqalka Cad.

Mr. Kushner waxaa loo arkaa inuu sodoggiisa si weyn ugu ololeeyay, wuxuuna kaalin weyn ka qaatey dhinaca istaraatiijiyadda  teknolojiyadda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here