Doorashada Aqalka hoose ee K/Galbeed oo ka socota Baydhaba

0
89

Waxaa Magaalada Baydhabo ee xarunta ku meel gaarka Koofur Galbeed ka soconaya doorashada Aqalka hoose ee Golaha Shacabka Dowladda dhexe u matalaya maamulkaasi.

Codadka illaa iyo haatan la tiriyay waxaa kusoo baxay Kursigii ugu horreeyay ee Maanta, Saalin Caliyoow Ibroow oo helay 47 Cod, isagoo ka guuleystay Cali Xaaji Ibraahim.

Xildhibaan Isgoowe Deeroow Isaaq ayaa isna 26 cod kaga guuleystay murashixii la tartamayay Maxamed Sheekh C/laahi Cusmaan.

Axmed Cumar Isloow ayaa isna 40 kaga adkaaday, C/qani C/laahi Maxamed oo ay loollan adag wada galeen.

Waxaa sidoo kale Kursigii Saddexaad ee Maanta ku guuleystay Xildhibaan Cali Sheekh Maxamed oo helay 49 Cod, isagoo ka guuleystay Maxamuud Buulle Maxamed.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here