Doorashada Aqalka Hoose oo maanta lagu soo gaba gabeynayo Garowe

0
104

Doorashada xubnaha Aqalka Hoose ee ka imaanaya Puntland ayaa maanta lagu wadaa in lagu soo gaba gabeeyo magaalada Garowe, iyadoo 5 kursi maanta la dooranayo.

Shalay ayaa waxaa la doortay illaa 11 kursi oo ka mid ahaa 16 kursi oo ka harsanaa tirada Puntland ku leedahay Aqalka Hoose oo ahaa 37 kursi.

Ammaanka magaalada Garowe ayaa saaka si aad ah loo adkeeyay, waxaana ciidamo la geeyay xarunta Guddiga doorashada heer federaal iyo heer maamul.

Sidoo kale waxaa si aad ah loo adkeeyay ammaanka xarumaha ay ka dhacayaan doorashooyinka sida Xarumaha Jaamacadaha Bariga Afrika iyo PSU.

Puntland ayaa noqoneysa maamulkii u dambeeyay ee soo gaba gabeeya doorashada Aqalka Hoose, waxaa horay u soo dhameystiray Maamulada Jubbaland, Koofur Galbeed, Hirshabeelle iyo Galmudug oo shalay soo gaba gabeeyay.

Madaxtooyada Garowe ayaa caawa lagu wadaa inay ka dhacdo xaflad lagu sagootinayo Xildhibaanada labada Aqal ee ka soo jeeda Puntland, iyadoo halkaas khudbado iyo dar daaran loogu jeedinayo Xildhibaanada cusub.

Maalintada Talaadada ee soo socota oo ay taariikhda ku beegan tahay 15-ka Bishan ayaa la filayaa in la dhaariyo Xildhibaanada Labada Aqal ee Baarlamaanka, iyagoo yeelanaya fadhigii u horeeyay, waxaa qorshuhu yahay in 22-ka bishan la doorto Guddoonka Baarlamaanka iyo 28-ka bishan oo la dooranayo Madaxweynaha.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here