Doorashada dalka Mali oo walaac laga muujiyay

0
129

Doorashadii ugu horeesay ayaa ka dhacday dalka Mali tan iyo sanadkii 2013.ka , kadib markii afar jeer la baajiyay doorashada taas oo loo aneeyay xasilooni darrida kajirta dalkaasi Mali.

Degaan qaar oo ku yaalo koonfurta dalkaasi ayaa la soo sheegaya in codbixintu ay si habsami leh uga socoto , inkasto wararka ka imaanaya waqooyi dalkaasi ay sheegayaan in la kansalay 7 Degmo , halkaas oo ay ku xooganyihiin xoogaga Islamiyiinta.

Mucaaradka iyo kooxaha hubeysan ayaa ku dhaliilay dowlada Madaxweyne Ibrahim Boubakar doorashada ka dhacday waqooyiga dalkaasi oo kaliya , madama dad badani ay ku xanibanyihiin xeryaha qaxootiga . Ila iyo imikana ma jirta wax natiija ah oo lagu dhawaaqay .

Dalkaasi Mali ayaa waxaa in muddo ah kasocday dagaalo udhaxeeyo xoogaga Islamiyiinta iyo dowlada. Islaamiyiinta ayaa waxa ay doonayaan inay ka go’aan Mali.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here