Doorashada Xubnaha Aqalka Sare ee G/ Waqooyi oo maanta dib uga bilaabanaya Muqdisho.

0
108

Doorashada xubnaha aqalka sare u matalaya Goboladda Waqooyi ee dalka, ayaa maanta lagu wadaa in Magaalada Muqdisho dib looga bilaabo,iyadoo la dooranaayo  seddex kursi oo haray.

Kursiga koowaad ee Doorashada maanta ayaa waxaa ku Tartamaya ilaa afar musharax oo kala ah Maxamed Aadan Waaberi, Xuseen Ceelaabe Faahiye, Axmed Cabdi Faahiye iyo Ayuub Ismaaciil Yuusuf.

kursiga labaad ayaa asagana waxaa u sharaxan Hodan Abuukar Xasan, Deeqo Xasan Xuseen iyo Amran cilmi fariid.

Kursiga Saddexaad ayaa waaxaa ku tartami doono Cumar Maxamed Aadan , Nuuro Faarax Jaamac iyo Caasho Axmed Cabdalaahi.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here