Doorashooyinka Aqalka hoose oo maanta ka dhacaya Cadaado

0
95

Doorashooyinka heer Maamul-goboleed ee Galmudug ayaa la sheegay in maanta oo Arbaco ah ay ka dhaceyso Magaalada Cadaado, taasoo lagu tartamayo ilaa 9 kursi oo Aqalka Hoose ah.

Guddiga Doorashooyinka dadban ee heer Maamul-goboleed ayaa sheegay in ay hakad yar soo galay doorashooyinkii Aqalka Hoose,balse ugu dambeyntii la xaliyay khilaafaadkii sababay dib u dhacaasi.

Afhayeenka Guddiga doorashooyinka heer dowlad-goboleed ee Galmudug Yuusuf Diiriye Maxamuud ayaa caddeeyay in doorashada ay bilaaban doonto Magaalada Cadaado 9-ka subaxnimo, wuxuuna ku adkeeyay dhamman Musharaxiinta inay waqtiga dhowraan

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here