Dowlada oo ka warbixisay howlgalo ay ciidamada Kumaandoosta ka fuliyeeen deegaano ka mid ah Sh/hoose

0
78

Saraakiil ka tirsan ciidamada dowlada ayaa ka warbixiyay howlgalo ay ciidanka Kumaandooska Soomaaliya oo kaashanaya ciidamo ajaaniib ah ka geysteen deegaano kamid ah gobolka Sh/hoose.

Saraakiil ka tirsan ciidamada dowlada ayaa u sheegay wakaalada wararka Soomaliyeed ee SONNA oo ku hadasha afka dowlada in weeraro duqeyn ah oo loo geystey guri ku yaal deegaanka Toorotoorow lagu diley afar sarkaal oo ka tirsanaa ururka Alshabaab.

Sida saraakiisha ciidanka ay u xaqiijiyeen SONNA waxaa duqayntaas lagu dilay Afar sarkaal oo uu ka mid yahay Horjoogihii Al-Shabaab ee Gobalka Shabeelaha Hoose, Horjoogihii dhinaca Canshuuraha iyo iyo kuwa kale.

Inkastoo ay saraakiisha dowlada u hadashay aysan faahfaahin qaabka uu weerarkan u dhacay ayaa hase ahaatee la rumeysan yahay in ay ciidamada Maraykanka ay weerarka la fuliyeen ciidamada dowlada.

Sidoo kale saraakiisha u hadashay ciidamada dowlada ayaa waxa ay sheegeen in ay weerar ay ku qaadeen ciidamada kumaandoosta ee Danab deegaanka lambar 60 ee gobolka Sh/hoose ay ku dileen lix ruux oo lagu tilmaamay inay ahaayeen horjoogayaal ka tirsan Alshabaab.

Wakaalada wararka SONNA ayaa qortay in weerarkan dadka lagu diley uu ka mid ahaa madaxii ururka Alshabaab ee degmada Qoryooley oo ka mid ah degmooyinka ay dowladu maamusho.

Si kasta ha ahaatee idaacada ku hadasha afka ururka Alshabaab ayaa sheegay in ay iska difaaceen weerar ay ciidamo Maraykan ah ku soo qaadeen deegaanka Toorotoorow.

Ma jiro warar madax banaan oo xaqiijinaya qaabka uu u dhacay dagaaladan ka dhacay qeybo kamid ah gobolka Sh/hoose, hase yeeshee waxa ay weeraradan ku soo beegmeen labo sano kadib markii weerar gantaal ah lagu diley hogaamiyihii ururka Alshabaab isagoo marayay deegaan kamid ah gobolka Sh/hoose.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here