Dowladda federaalka oo wafdi u dirtay caleema saarka Ugaas Xasan.

0
94

Baledweyne (RKGS) Guddoomiye ku xigeenka labaad ee golaha Baarlamanka Mahad C/lle Cawed, Wasiirka wasaaradda amniga xukuumadda federaalka C/risaaq Cumar Maxamed iyo masuuliyiin kale ayaa dhawaan gaaray magaalada B/weyne, si ay ugu qayb galaan caleeam saarka Ugaas Xasan Ugaas Khalliif Ugaas Rooble.

Sidoo wararka ka imaanaya magaalada B/weyne ayaa sheegaya inay halkaasi ku sii qulqulayaan qaar ka mida madax dhaqameedyada Soomaaliya,siyaasiyiin, qurba joog iyo marti sharaf kale, kuwaasoo iyana ka qayb galaya xafladda caleema saarka.

Ugaas Xasan ayaa tan iyo markii uu geeriyooday walaalkiis ugaas C/raxmaan saddexdii Janaayo ee sanadkan si ku meel gaar ah u hayay xilka,wuxuuna noqonayaa Ugaaskii 19 aad ee ay Beeshiisu yeelato.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here