Dowladda Iyo Beesha Caalamka Oo Ka Wada-Hadlay Qorshaha Qaran Ee Dhawaan Wasaaradda Qorsheynta Soo Bandhigtay.

0
158

Muqdisho (RKGS) Shir lagu soo bandhigay qorshaha qaranka, oo ay dhawaan soo diyaarisay Wasaaradda Qorsheynta Qaranka iyo Iskaashiga Caalamiga, ayaa lugu qabtay magaalada Muqdisho.

Waxaa ka qayb-galay shirka dowladda daneya arrimaha Soomaaliya, gaar ahaan kuwa qaybta ka ah barnaamijka hiigsiga cusub ee Soomaaliya.

Shirka ayaa la qabta bishiiba hal mar, si loogu soo bandhigo waxqabadka Wasaradda Qorsheynta iyo hormarka laga gaaray barnaamijka hiigsiga cusub ee Soomaaliya.

Kulanka oo Arbacadii dhacay waxaa goob-joog u ahaa,Ra’iisul wasaare ku xigeenka ahna ku simaha Ra’isul wasaraha dalka Mudane Maxamed Cumar Carte, Guddoomiyaha Maxkamadda sare ee dalka, Wasiiro ka tirsan Xukumadda federaalka , xubno ka socday mamul goboleedyadda ka jira dalka iyo wakiilo ka socday beesha Calaamka.

Wasiirka qorsheynta dowladda dhexe,Cabdiraxmaan Ceynte oo sharaxaad ka bixinayay ahmiyadda shirkaan iyo waxyaabihii uu kaga duwaana shirarkii hore loo soo qabanjiray,wuxuu sheegay inuu qayb ka ahaa aragtiyo ay is dhaafsanayeen beesha caalamka iyo dowladda Soomaaliya.

“Wuxuu Shirku ahaa mid bille ah waxaa aad loogu soo dhaweeyay in Soomaaliya ay markii ugu horreysay ay yeelato Qorshe Qaran, wuxuu qey ka ahaa aragtiyo ay is dhaafsanayeen beesha caalamka iyo dowladda Soomaaliya, waxa ayna talooyin naga siinayeen meelaha wax laga badali karo qeyshaha qaran ee Soomaaliya kaas oo diyaariyay sadax bil oo ka bilaabanayso Janaayo” ayuu yiri Wasiir Ceynte oo la hadlay wakaaladda wararka Soomaaliya ee SONNA.

Wasiir Ceynte ayaa rajo wanaagsan ka muujiyay in Qorshaha Qaran ee dowladda Soomaaliya ay diyaarisay uu wax badan ku soo kordhin doono hormarinta Adeegyada Waxbarashada, Caafimaadka iyo Dib u dhiska Soomaaliya.

Soddon sanno kaddib ayaa Soomaaliya bishii hore waxaa ay yeelatay qorshe qaran,walow lugu soo aadiyay xilli waqtiga xukuumadda hadda jirta ay ka hadsantahay wax ka yar labo bilood.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here