Dowladda Koonfur Galbeed Oo Baydhabo Kaga Qeyb Gashay Tacsiyo Loo Sameeyay Marxuum Malaaq C/rashiid Sheikh C/salaan.

0
84

Baydhabo (RKGS) Madaxda Dowladda Koonfur Galbeed Soomaaliya Oo Maanta Ka Qeyb Gashay Tacsiyo Magaalada Baydhabo Loogu Sameeyay Malaaq C/rashiid Sheikh C/salaan Oo Dhowaan Ku Geeriyooday Weerar Maleeshiyada Alshabaab Ay Ku Qaadeen Hotel Dayax Ee Magaalada Muqdisho.
Masuuliyiintan Maanta Oo Jimcada Ahayd U Tacsiyadeeyay Ehelada Iyo Qarabada Malaaq C/rashiid Sheikh C/salaan Waxaa Kamid Ahaa Kusimaha Madaxweynaha Dowladda Koonfur Galbeed Ahna Waziirka Beeraha Iyo Waraabka Mudane Maxamed Xasan Fiqi, Waziirka Wazaaradda Hub Ka Dhigista Dhaqan Celinta Iyo Tababarada Maleeshiyaadka Mudane Xasan Xuseen Maxamed Eelay, Iyo Sidoo Kale Waziirka Xanaanada Xoolaha Mudane Madoowe Nuunow Maxamed,
Madaxdan Ka Socotay Dowladda Koonfur Galbeed Ayaa Waxaa Ay Sheegeen In Marxuum Malaaq C/rashiid Sheikh C/salaan Uu Ahaa Halyay U Soo Halgamey Dhismihii Dowladda Xasan Sheikh Maxamuud Ee Wakhtigeeda Dhamaaday Iyo Midda Koonfur Galbeed Oo Kaalin Mug Leh Kasoo Qaatay Dhismaheeda.
Ayagoona Ugu Dambayn Marxuum Malaaq C/rashiid Sheikh C/salaan Alle Uga Baryay Inuu Naxariistii Eebe Iyo Janatul Fardowsa Ka Waraabiyo Sidoo Kalena Caafimaad U Rajeeyay Malaaqyada Kale Ee Dhaawaca Kasoo Gaarey Weerarkii Kooxda Arxaan Laawayaasha Ay Ka Geysteen Hotel Dayax Ee Magaalada Muqdisho.

SONY DSC

 

 

 

 

SONY DSC

 

 

 

 

SONY DSC

 

 

 

 

SONY DSC

 

 

 

 

 

SONY DSC

 

 

 

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here