Dowladda Soomaaliya oo baaritaan ku bilowday xoolahii laga soo celiyay dalka Sacuudiga

0
89

Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay iney baaritaan ku bilowday xoolihii dhawaan laga soo celiyay dalka Sacuudiga, kadib markii Sacuudiga uu diiday xoolaha oo laga dhoofiyay Muqdisho.

Saciid Xuseen Ciid, wasiirka xanaanada xoolaha dowladda Soomaaliya ayaa sheegay in baaritaan ay ku ogaanayaan cudurada laga helay xoolaha laga dhoofiyo Soomaaliya ku bilaabeen dhamaan xoolahii laga soo celiyay dalka Sacuudiga.

Wasiirka ayaa tilmaamay in arimahaasi ay gudi u xilsaareen sidii loo baari lahaa xoolaha, wuxuuna sheegay in natiijada baaritaanka  kasoo baxdaa warbaahinta ay la wadaagi doonaan.

Dowladda Soomaaliya ayaa dooneysa in Sacuudiga markale dib u fasaxaa xoolaha laga dhoofin jiray gudaha dalka Soomaaliya oo dhaqaalo badan Soomaalida ka heli jireen.

Sacuudiga ayaa hakiyay xoolaha kaga imaan jiray Soomaaliya, maadaama la sheegay in cuduro laga helay xoolaha.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here