Dowladda Soomaaliya oo dhallin yarada ku tilmaantay tiirka nabadgelyada dalka

0
116

Muqdisho-(RKGS)-Wasiirka dhalinyarada iyo Sportiga dowladda Soomaaliya Mudane; Maxamed Cabdullaahi Xasan Nuux,ayaa sheegay in nabbadgelyada dalka ay  kaalin ka qaadan karaan dhalinyarada.

Mudane Nuux,oo ka hadlayay kulan ku saabsanaa soo bandhigidda doorka dhallinyarada dalka oo Muqdisho lagu qabtay, ayaa intaa ku daray in da’yarta looga baahan yahay inay muujiyaan kaalintooda wax qabad.

“Nolol ma jirto haddii nabadgelyo ayan jirin, yaa nabadgelyada sal u noqon kara xoogga iyo awoodda dalka waxaa wax ka qaban kara dhalinyarada iyo nabadda,” ayuu yiri wasiir Nuux.

Kulankan oo ay soo qaban qaabiyeen hay’adaha UNESCO iyo SOYDEY ayaa waxaa kasoo qeybgaley wasiirka dhalinyarada iyo Isboortiga DF Soomaaliya, Wariir Ku xigeenka wasaarada waxbarashada, wasiirrada dhalinyarada iyo Sportska Maamul goballeedyada Galmudug, Konfurgalbeed iyo Jubbaland .

Sidoo kale, wasiirrada dhallinyada iyo Sportiga maamul goboleedyada ayaa sida wada jira u qiray inay dhallinyaradu tahay lafdhabarta dal kasta,loona baahan yahay inay awoodahooda ka faa’iideystaan si loo gaaro horumar buuxa.

Wasaaradda dhallinyarada ee xukuumadda federaalka Soomaaliya ayaa waxay waddaa qorshe lagu horumarinayo da’yarta , iyadoo kulanka maanta uu qeyb ka ahaa qorshahaas, taasoo sare u qaadaysa kalsoonida uu muwaaddinka Soomaaliyeed ku qabo dalkiisa Hooyo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here