Dowladda Talyaaniga oo qalab ugu deeqday ciidanka Asluubta Soomaaliyeed

0
124

Talyaaniga ayaa qalab ciidan ku wareejiyey taliska ciidanka Asluubta Soomaaliyeed, qalabkaasi oo isugu jiray  katiinadaha maxaabiista lagu xiro, koofiyado, kabo, dhar iyo gaashaanka looga hortago dibad baxyada rabshadaha wata.

S/guuto Cabdi Kaiin Cali Afrax oo ah taliye ku xigeenka 1-aad ee ciidanka Asluubta Soomaaliyeed ayaa lagu wareejiyey deeqda ay dowladda Talyaaniga ugu deeqday ciidanka Asluubta.

Jeneraal Cabdikariin Cali Afrax oo la hadlay saxafaadda ayaa sheegay in dowladda Talyaaniga ay tahay dowladda mar walba garab taagan dowladda Soomaliya, isagoo ka mahad celiyey qalabka loogu deeqay ciidanka Asluubta Soomaaliyeed.

Madaxa hay’adda gar-gaarka Talyaaniga ee howl galka Midowga Yurub ee Soomaaliya Korneel Bernardo Mencraglia ayaa sheegay in ay sii wadi doonaan taageerada ay siinayaan ciidanka Asluubta Somaaliyeed isla markaana ay ka go’an tahay ka qeyb qaadashada dhismaha ciidamada .

Talyaaniga ayaa waxa ay ka mid tahay wadamada sida gaarka ah u caawiyo dalka Soomaaliya

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here