DUBAI:- Laba nin oo Soomaali ah oo lagu xirey Imaaraadka kadib markii lagu heley taageerada Daacish

0
145

(RKGS) Laba nin oo Soomaali ah ayaa la soo taagey Maxkamad ku taala Imaaraadka Carabta, kadib markii lagu eedeeyey in ay ka mid yihiin taageerayaasha ururka Daacish.

Labadan nin ayaa lagu eedeeyey in ay baraha bulshadu ku xiriirto ay ka furteen Koontooyin ay ku faafiyaan afkaarta Daacish dadkana ku dhiirigelin jireen, sidoo kale waxay lahaayeen website/Forum ay ku faafiyaan fikrado khadlan sida lagu eedeeyey.

Cali Maxamuud Cali iyo Cabdiraxmaan Maxamuud Cali oo u shaqeynaayey shirkad shidaalka ka ganacsata kana soo jeeda dalka Soomaaliya ayaa lagu xukumey midkiiba shan sano oo xabsi ah.

Maxkamadda ayaa sidoo kale amar ku bixisey in la xiro dhamaan meelihii ay wax ku faafin jireen afkaartooda, sida uu qorey Joornaalka Khaliij Times.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here