Erdogan oo booqashadii u horeysay ku tagaya Ruushka, kadib afgambigii fashilmay

0
115

Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyib Erdogan ayaa Talaadada soo socda booqashadiisa u horeysay ku tagaya dalka Ruushka, kadib afgambigii fashilmay ee la doonayay in xukunka laga tuuro, kaasoo dhacay bishii hore ee July.

Erdogan oo wareysi siiyay Telefishinka Al-Jazeera qeybtiisa Carabiga ayaa sheegay in booqashadiisa Ruushka ay salka ku heyso soo celinta xiriirka labada dal, kadib markii uu xumaaday bishii November ee sanadkii hore, xilligaasoo Turkiga uu soo riday diyaarad dagaal uu lahaa Ruushka.

Madaxweyne Erdogan ayaa sheegay in Ruushka uu kala hadlayo arrimaha Suuriya, xiriirka labada dal, isagoo xusay in Turkiga iyo Ruushka ay yihiin labo dal oo weyn.

Mar la weydiiyay in booqashadiisa Ruushka ay mid timid afgambigii kadib, ayaa sheegay in horay u qorsheysnaa, waxaana uu rajo ka muujiyay safarkiisa.

Erdogan ayaa sheegay inay tallaabo ka qaadayaan kuwa isku dayaya inay dimoqraadiyada Turkiga jebiyaan, isagoo ku eedeeyay wadaadka fadhigiisa yahay Pennsylvania inuu muddo sanado ah ka waday Turkiga marin habaabin.

Ruushka iyo Turkiga ayaa dhowaan dib u bilaabay xiriirkooda diblomaasi, tan iyo markii uu xumaaday markii la soo riday diyaarad dagaal uu lahaa Ruushka oo duqeymo ka waday gudaha Suuriya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here