dhagayso:-Ergooyin hor leh oo gaaray Jowhar

0
91

Jowhar (RKGS) Magaalada Jowhar ee Gobolka Shabeelaha Dhexe waxaa gaaray Ergooyin hor leh si ay kaga qeyb galaan shirka maamul usameynta Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe oo qorshaha uu yahay in uu ka furmo Magaaladaasi.

Waxgaradka iyo Odayaasha ku dhaqan Magaalada jowhar ayaa sheegaya in maanta ay u badan tahay in Magaaladaasi uu ka furmo shirka Maamul usameynta Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe.

Odayaasha ku dhaqan Magaalada Jowhar ee Gobolka Shabeelaha Dhexe ayaa sheegaya in Magaalada ay soo gaareen Ergooyin hor leh oo ka yimid Magaalada Beledweyne.

Nabadoon Islow Jeesto oo ka mid ah Waxgaradka ka qeyb galaya shirka oo la hadlay Idaacadda Risaala ayaa sheegay in maanta ay ubadan tahay in shirka uu dib uga furmo Magaalada Jowhar.

Dowladda Soomaaliya ayaa horey u sheegtay in Maamul usameynta Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe la dhisi doono Doorashada Soomaaliya ka hor.

HALKAN KADHAGAYSO WARIYE ABDIAZIIZ AHMED

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here