Eritrea oo ku eedeysay Itoobiya inay weerar ku soo qaaday dhulkeeda

0
147

Dowladda Eritrea ayaa ku eedeysay Itoobiya inay weerar ku soo qaaday dhulkeeda, kadib dagaal xooggan oo shalay subaxdii ka dhacay xuduuda lagu muransan yahay ee labada dal wadaagaan.

War uu soo saaray Wasiirka Warfaafinta Eritrea Yemane Ghebremeskel ayuu ku sheegay in Xukuumadda TPLF ay weerar gardaro ah ku soo qaaday dhulka Eritrea.

Mr Yamene ayaa sheegay in aagga la soo weeraray uu ahaa Tsorona central Front, isagoo xusay in aanay cadeyn Karin khasaaraha ka dhashay dagaalka.

Dowladda Itoobiya ayaa wali ka hadlin eedeynta Eritrea, hase ahaatee  Wasiirka Warfaafinta Itoobiya Getachu Reda oo dibada kaga maqan dalkiisa ayaa sheegay in aanu ka warqabin wax dagaal ah oo ka dhacay xuduuda.

Dadka deegaanka waqooyiga Itoobiya ayaa sheegaya inay maqleen rasaas culus oo ka dhacaya aagga milateriga badan ee labada dhinac, ayna arkayeen ciidamo fara badan oo ku sii qul qulaya.

Eritrea oo Xornimada ka qaadatay Itoobiya sanadkii 1991 ayaa waxay dhowaan u dabaal degtay 25-sano guuradii ka soo wareegatay.

Dagaal lagu hoobtay oo labada dal dhex maray intii u dhaxeysay sanadihii 1998-2000 ayaa waxaa ku dhintay dad ku dhow boqol kun oo ruux.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here