Ethiopia Oo Safiir Cusub U Magacawday Dalka Eritrea.

0
99

Qoraal ka soo baxaya dowladda Itoobiya ayaa waxa ay ku magacawday safiirkeeda u fadhin doona dalka Eritrea, mudo sanado badan kadib.

Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya ayaa warqad ka soo baxday xafiiskiisa lugu magacaabay Danjiraha cusub ee Itoobiya u qaabilsan arrimaha Eritrea, sida ay baahiyeen warbaahinta gudaha dalkaasi.

Safriika cusub ee Itoobiya u magacawday Eritrea ayaa waxaa lagu magacaabaa Ambassador Ridwan Xuseen, wuxuuna ka hawlgali doonaa magaalada Asmara.

Labada shacab ayaa soo dhaweeyay magacaabista safiirka cusub, waxayna sheegeen inay sii xoojineyso xiriirka labada dal ee walaalaha ah.

Dowladaha Itoobiya iyo Eritrea oo ay ka dhaxeysay colaaad jirsatay in ka badan 20 sano ayaa heshiiyay, waxaana shalay dib u bilowday duulimaadyadii labada dal oo mudo hakad ku jiray.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here