Faah faahin laga helayo Dabkii ka kacay Suuq-boocle

0
87

Inkastoo aan si dhab ah loo ogeyn sababta ka dambeysay in Dab uu ka kaco Suuq-boocle oo ku yaalla Degmada Dharkeynley ee Gobolka Banaadir.

Sagaalkii Habeenimo oo qadar Daqiiqado la’ ayuu Dabkan kacay, waxaana uu dabka si gaar ah uga kacay qeybaha Makiinadaha Saliida iyo qeybaha Hillibka.

Dabka ayaa ku faafay suuqa weyn ee Boocle, waxaana uu basbeeliyay Hanti fara badan oo ay lahaayeen ganacsato Soomaaliyeed, maadaam Gaadiidka Dam damiska aysan si dhaqsi leh ku imaan goobta.

Raadadka iyo saameynta uu sameeyay Dabka ayaa saakay ka muuqda suuqa, sida ay Risaala u sheegeen Dad goobo Ganacsi ku lahaa halkaasi.

Qaar ka mid ah Ganacsatada yar yar ee xalay kaga hoyday suuqa iyaga oo Hantidooda ay bad qabto ayaa saakay ku soo laabtay goobohooda Ganacsi oo basbeelay.

Ustaad C/wali Yaxye Cali oo ka mid ah shaqalaha Idaacadda Risaala oo saakay tagay suuqa ayaan arrimahaasi ka wareysanay.

Audio Player

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here