faah faahin:10 ruux oo ku dhimatay qaraxyadii ka dhacay magaalada gaalkacyo.

0
96

Gaalkacyo (RKGS) Wararka naga soo gaaraya magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobalka Mudug ayaa sheegaya in ay qaraxyo waa weyn oo loo adeegsaday gawaari ay ka dhaceen gudaha magaalada, gaar ahaan waqooyiga magaalada gaalkacyo.

Qaraxyadan ayaa geystay qasaro naf iyo maalba leh, inta la ogyahay waxaana ku dhintay qaraxyadaa  gaalkacyo 10 ruux,  tiro intaas ka badana way ku dhaawacmeen,kadib labo qarax oo lagu weeraray xarunta dowladda hoose ee waqooyiga gaalkacyo.

Sida Ay sheegayaan wararka ka imaanaya magaalada gaalkacyo qaraxyada ayaa ahaa kuwa si aad ah looga maqlay daafaha magaalada gaalkacyo,isla markaana khalkhal galiyey isu socodka dadka iyo gadiidka,warku wuxuu intaas ku edaray in ciidamada amnigu joojiyeen isku socodka gadiidka iyo dadwaynahaba.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here