Falastiini gaadhi xamuula dad ku jjidhsiiyey Quddus

0
97

Wararka ka imanaya magaalada Quddus, ayaa sheegaya in boolisku toogteen nin loo malaynayo argagixiso ka dib markii uu dad wado lugaynayay gaadhi jiidhsiiyey, halkaas oo uu ugu yaraan shan iyo toban qof ku dhaawacay.

Weerarku wuxu ka dhacay waddo-lugeed ag marta qaybta qadiimka ah ee magaalaa Quddus.

“Waa weerar argagixiso, weerar gaadhi dad lagu jiidhsiiyey” ayay ka sheegtay haweenay booliska af-hayeen u ahi idaacadda Israel oo ku warrantay in “maydku wadhanyahay wadada”.

Weerarkani wuxu dhacay todobaadyo uun ka dib markii 12 qof ay ku dhinteen weerar magaalada Berlin dad baabuur xamuul ah lagu jiidhsiiyey.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here