Finalka Tartanka kubadda cagta maamul goboleedyada dalka oo galabta la ciyaarayo

0
98

Muqdisho (RKGS)-Tartanka kubadda cagta ee u dhaxeeya ciyaartoy kala mataleysa maamul goboleedyada dalka ayaa galabta lagu wadaa in lagu soo gaba gabeeyo garoonka kubadda cagta ee Banaadir.

Ciyaartoy kala mataleysa Jubbaland iyo Puntland ayaa galabta ku hardamaya ciyaarta kama dambeysta ah ee galabta, iyadoo kooxdii guuleystaa ay hanan doonto koobka loo dhigay kooxaha ku tartamayey intii uu socday tartankaasi.

Ciyaarta finalka ah ee galabta waxaa kasoo qeyb galaya madax kala duwan oo qaarkood ka socda maamulka Jubbaland iyo madax katirsan dowlada federaalka ah, iyadoo sidoo kale ay garoonka buux dhaafin doonaan taageerayaal badan oo ciyaarta usoo daawasho tagaya.

Jubbaland iyo Puntland ayaa mid waliba ku rajo weyntahay iney hanato koobka, inkastoo aan la saadaalin karin natiijada kulanka galabta lagu madalsan yahay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here