Fransiiska oo Xiray Masaajidyo.

0
89

paris (RKGS) Wasiirka Arrimaha Gudaha Xukuumadda Fransiiska Bernard Cazenove, ayaa sheegay inay qaraar ka soo saareen in la xiro 20 Masaajid iyo 70 Imaam oo laga fogeeyay Masaajidyada Muslimiinta ay ku cibaadaystaan eek ku yaal Magaalada Paris.

Bernard Cazenove, ayaa talaabadaasi ku sababeeyay ,kadib markii sida uu sheegay ay Imamyadaasi jeediyeen khudbad Diini ee u jaanjeera dhinaca xagjirnimada, wuxuuna cadeeyay inuu dalkiisu bilaabyo barnaamijyo lagu tababarayo Imaamyada Masaajidyada dalkaasi faransiiska.

Shabakada Al-jazeera, ayaa sheegtay, in Wasiirka arrimaha Gudaha Xukuumadda Faransiiska Bernard Cazenove, oo la kulmay Golaha Sare ee Diinta Islaamka, waxa uu u sheegay inay Xukuumadiisu ay sii wadi doonto Qorshaha Xiridda Masaajidyada iyo ka fogeynta Imamyada Masaajidyada, tuhum xagga xaqjinimada ay qabto awgii.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here