Gabadha Soomaaliya u mataleysa ciyaaraha Brazil oo maanta tartameysa

0
86

barazil (RKGS) Maryan Nuux Muse iyo Maxamed Daud Mohamed ayaa hore u gaaray magaalada Rio oo ay ciyaarahaan kasocanayaan, iyadoo kulankooda ugu horeeya ciyaartooyda soomalida maanta la daawan doono.

Ma noqon doonto markii ugu horeysay ee Maryan matasho calanka soomaliya,iyadoo tartamo caalami ah kaga qeyb gashay wadamada Kenya, Republic of Congo, Botswana, Tanzania, Itoobiya ,Shiinaha iyo dalal kale.

Orodyahanada ayaa ka qeyb grli doonta tartanka 400 mitir ,waxaana ay aaminsan tahay in ay leedahay tayo ay ku guuleysan karto.

Maryan ayaa maanta kasoo muuqan doonta Rio, iyadoo wadata calanka soomaliya, si ay tartanka Orodka 400miter kaga qeyb gasho.

Mohamed Daud Mohamed ayaa 17 Bishan isna Orodkiisa ku balansan, waxaana uu qiray in uusan wax cabsi ah dareemeyn hadda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here