Galmudug oo Maxkamadeynaysa Muwaadiniin u dhashey Yemen

0
95

Gudoomiyaha maxkamadda Sare ee maamulka Galmudug Yaxye Sheekh Cali oo la hadlay Idaacadda Risaala ayaa sheegay in dhawaan ay Maxkamad horkeeni doonaan 4 muwaadin u dhashay dalka Yeman , kuwaa soo lagu eedeeyay in ay kalluumeysi sharci daro ay ka wadeen degaanada maamulka Galmudug.

Gudoomiyaha ayaa sidoo kale waxaa uu sheegay in ciidanka ammaanka dowlad goboleedka Galmudug ay gacanta ku soo dhigeen Raggaasi.

Waxaa uu xusay in Galmudug aysan Aqbali doonin in si aan sharci aheyn looga kalluumeysto degaanada Galmudug.

Waxaa uu tilmaamay in degaanada Galmudug laga hirgaliyay Maxkamado kala duwan oo loogu shaqeynaayo bulshada Galmudug.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here