Galmudug oo soo bandhigtay gaari qarax laga soo buuxiyay iyo raggii watay

0
131

Saraakiisha ciidamada Nabad Suggida Maamulka Galmudug, ayaa Magaalada Cadaado ee xarunta KMG ee Galmudug waxa ay ku soo bandhigeen gaari caasi ah oo lagu qabtay waxyaabaha qarxa.

Gaarigaan ayaa lagu qabtay inta u dhaxeysa Magaalooyinka Caabudwaaq iyo Xanan-buure oo ka tirsan Gobolka Galgaduud ee Bartamaha Somaliya.

Nabad Suggida Galmudug waxa ay soo bandhigeen labo ruux oo la sheegay inay wateen gaarigaasi, kuwaasi oo qorshahooda uu ahaa inay weeraro ka geystaan Degmada Caabudwaaq.

Suxufiyiinta ayaa soo sheegaya in Saraakiisha ciidamada Nabad Suggida Galmudug ay sheegeen inay ka hortageen gaarigaasi waxyaabaha qarxa ay ka soo buuxiyeen Ururka Al Shabaab.

Gaarigaan ayaa la sheegay in laga soo kaxeeyay degaanka Galhareeri oo ka tirsan Gobolka Galgaduud oo maleeshiyada  Shabaab ay gacanta ku hayaan.

maleeshiyada Al Shabaab ayaa qaraxyo kala duwan waxa ay ka geystaan gudaha dalka Soomaaliya, iyadoo weerarkii ugu dambeeyay ee qarax ah ay ka fuliyeen Magaalada Muqdisho.kaas oo dhibaato xoogan ay ka soo gaartay shacabka somaliyeed

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here