Gen. Maxamed Cali Samatar oo ku Geeriyooday Dalka Mareykanka

0
112

USA (RKGS) Gen Maxamed Cali Samatar oo Xilal kala duwan ka soo qabtay dowladdii Milatariga ee Soomaaliya ayaa xalay ku geeriyooday Gobolka Farjiiniya ee dalka Mareykanka Gen

Allaha u Naxariistee Gen. Maxamed Cali Samatar waxa uu xilalkii uu dowladdii dhexe ka soo qabtay  ka mid ahaa Madaxweyne Kuxigeen,Ra’iisul Wasaare iyo Wasiirka Gaashaandhiga.

Marxuumka oo da’diisa lagu sheegay   88 Sano. ayaa noqday mas’uulkii ugu sarreeyay ee qaata  darajada ciidanka isla markaana meel fiican ka gaaray,isagoo ahaa Sareeye Guud oo ah Darajada Ciidan mida ugu sareeysa Soomaaliya.

Maxamed Cali Samatar ayaa la sheegay in uu maalmihii la soo dhaafay ku jiray isbitaal ku yaala gobolka Virginia ee dalka Mareykanka halkaas oo uu xalay ku dhintay.

Qaar ka mid ah mas’uuliyiinta dowladda Federaalka  ee Soomaaliya ayaa dhambaal tacsi ah oo ku aadan geerida marxuumkaasi u diray guud ahaan shacbiga Soomaaliya,gaar ahaan eheladii iyo asaxaabtii uu ka tagay

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here