Gobol can ah oo cunaqabateynta ka qaadaya dhismaha Masajidyada

0
98

USA-(RKGS) Gobolka Georgia  oo ka mid ah 55 Gobolka ee uu dalka Mareykanka ka kooban yahay aya la sheegay inuu hadda ku tala jiro in cunaqabateynta ka qaado dhismaha Masaajidyada, goobaha kale ee Diiniga ah  iyo Qabuuraha Islaamka.

Masu’ul  ka tirsan Gobolkaasi, ayaa warfidiyeenka u sheegay  in 15ka bishan cod loo qaadi doono qorshahaasi isla markaana isbedel lagu sameyn doono qaanuun hore u mamnuucayay dhismha goobaha lagu cibaadaysto iyo in dadka muslimiinta gobolkaasi ku nool ay yeeshaan Qabuuro u gaar ah.

Mucaardka  gudaha ee Gobolka Georgia, ayaa  xiisad weyn ku kiciyay, kuna tilmaamay mid baadil ah qaanuun hore maamulka Gobolkaasi ee mamnuucay dhismaha goobaha muslimiinta ku cibaadaystaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here