Golaha Wasiirada Xukuumadda oo Falanqeeyay Qodobbo kala duwan

0
96

Muqdisho (RKGS) Golaha Wasiirada ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta yeeshay kulankoodii todobaadlaha ahaa, waxaana kulanka shir guddoominayay Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka dalka Mudane Maxamed Cumar Carte.

Shirka ayaa looga dooday qodobo kala duwan, waxaana warbixin la xiriirta xaaladda guud ee amniga dalka iyo howlgallada ay wadaan Ciidamadda Qalabka sida laga dhageystay Wasaaradda Gaashaandhigga.
Mudane C/qaadir Sheekh Cali Diini Wasiirka Gaashaandhigga ayaa golaha Wasiirada warbixin ka siiyay xaaladda guud ee amniga dalka, waxuuna si gaar ah u xusay howlgal qorsheysan oo Ciidamadda gaarka ah ee Danab ee X.D.S ay ka fuliyeen deegaanka Goobaale oo 80 KM u jira Ballidoogle, halkaasi oo saldhigyo qarsoodi ah ay ku lahaayeen kooxaha Argagixisada. Wasiirka ayaa tilmaamay in la burburiyey saldhiggaasi isla markaana lagu dilay saraakiil iyo maleeshiyaad ka tirsan Argagixisada.

Ugu danbeyn, Golaha Wasiirada ayaa u soo jeediyey Guddoonka Baarlamaanka Soomaaliya in la ansixiyo sharciga Isgaarsiinta oo muhiim u ah isgaarsiinta dalka, kaas oo hadda  horyaalla Golaha Shacabka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here