Guddiga doorashada oo hakiyay doorashada Aqalka Hoose ee Gobolada Waqooyi

0
99

Guddiga Federaalka ee hirgelinta doorashooyinka dadban ayaa ku dhawaaqay in la hakiyay doorashada xubnaha Aqalka Hoose ee ka imaanaya Gobolada Waqooyi ama Somaliland.

War kooban oo uu Guddigu soo dhigay bartooda Twitter-ka ayaa lagu sheegay inta laga xalinayo khilaafka ka jira doorashada la hakinayo.

Wararka ayaa sheegaya in la isku heysto soo xulista ergooyinka dooranaya beelaha, sidoo kale waxaa khilaafka qeyb ka ah loolan u dhaxeeya Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha oo ku dagaalamaya xubnaha Gobolada waqooyi.

Illaa 19 Kursi oo ka soo jeeda beelaha Somaliland ayaa labadii todobaad ee la soo dhaafay lagu doortay magaalada Muqdisho, iyadoo 46 xildhibaan ay yihiin tirada kaga soo aaday aqalka Hoose, waxaana dhiman 27 xildhibaan.

Sidoo kale waxaa muran uu ka jiraa doorashada xubnaha Aqalka sare ee Gobolada Waqooyi, kuwaasoo aan wali la soo dooran, iyadoo Puntland ay diidan tahay labada xubnood ee ka soo galaya Gobolada Sool iyo Sanaag.

Khilaafyada cusub ee ku soo kordhay hanaanka doorashada iyo dhameystir la’aanta doorashada Aqalka Hoose ayaa waxay keeni karaan dib u dhacyo hor leh, iyadoo khamiistii la soo dhaafay uu dib u dhac ku yimid dhaarintii Xildhibaanada, waxaana shaki laga qabaa in doorashada ay lugaha la gasho sanadka 2017, marka la eego howlaha harsan iyo waqtiga la heysto ee inta ka dhiman bishan December oo aad u kooban.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here