Guddiga doorashooyinka oo sheegay inay ka hor-tagayaan musuq maasuqa loo adeegsanayo doorashooyinka

0
88

Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka Dadban ee heer Federaal ayaa sheegay inay ka hortagayaan musuq maasuqa loo adeegsanayo kursiga Baarlamaanka Soomaaliya, iyagoo diyaariyay goob joogayaal caalami ah oo kormeeraya goobaha doorashooyinka.

Avv. Cumar Maxamuud Cabdulle (Cumar Dhagey) oo ah Guddoomiyaha Guddiga doorashooyinka ayaa sheegay in qorshe dhowr ah ay u dejiyeen hirgelinta doorashooyinka soo socda ee dhowaan ka dhici doono magaalooyinka xarumaha maamul goboleedyada.

“Madaxda Madasha waxay isku afgarteen in dalka ay ka dhacdo doorasho dadban oo qeyb dadka ka mid ah oo ka wakiil ah ay dooran doonaan dadkii matali lahaa Baarlamaanka, doorashadan waa ka duwan tahay tii 2012″ayuu yiri Avv. Cumar Dhagey.

 

Waxaa uu sheegay Xildhibaanada la soo dooranayo ay ka imaan doonaan deegaanadooda, isagoo tilmaamay in aanay jiri doono musuq maasuq iyo wax ku tagri fal.

“Si gaar ah ayaa ugu diyaar garownay arrintan, waxaa sameynay Guddi goob joogayaal caalami iyo kuwa wadani ah, oo kormeeri doono goobaha ay cod bixinta ka dhici doonto, waxaa xaqiijin doonaa in aanay jiri doonin musuq maasuq iyo ku takri fal”ayuu yiri Avv. Cumar Dhagey.

Dhowaan ayaa lagu wadaa in Magaalooyinka dalka inay ka dhacaan doorashooyinka dadban ee Xildhibaanada Aqalka Hoose iyo Aqalka sare, kuwaasoo soo dooran doona Guddoonka Baarlamaanka iyo Madaxweynaha.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here