Guddiga Olombikada Soomaaliyeed oo doortay Hoggaan cusub

0
92

Waxaa Hoteelka Shaamoow ee magaalada Muqdisho ka dhacay Shiweynihii 7-aad ee Doorashada Guddiga Olombikada Soomaaliyeed oo lagu qabtay Magaalada Muqdisho ayaa lagu doortay hoggaanka afarta sano ee soo socota ee GOS.

Gunaanadkii doorashooyinkaasi oo ay ka soo qeyb galeen Wasaaradda dhalinyarada iyo Isboortiga , Masuuliyiinta xiriirada, Ururuada, Xubnaha Matalaya Soonanka iyo marti sharaf kale, waxaana ka hor doorashada lagu soo bandhigay waxqabadkii iyo warbixinta dhaqaalaha sanadki tegay ee 2016-kii ,miisaaniyadda & qorshaha sanadka 2017 sidoo kale xiriirada ayaa dhankooda soo jeediyay waxbixinada waxqabadkooda sanadki tegay 2016, waxaa shiwaynaha lagu ansaxiyay wax ka bedel lagu sameeyay qodobka 15.E ee dastuurka , waxuu sidoo kale ka doodeen isla markaana ansaxiyeen go’aanadi shirarkii Guddiga Fullinta lagu gaaray.

Xubnaha Shirweynaha ayaa ugu dambeyn cod gacan taag ah ugu codeeyay Cabdullaahi Axmed Tarabi inuu noqdo Guddoomiyaha Guddiga Olombikada Soomaaliyeed ee afarta sano soo socota 2017-2020. Sidoo kale waxaa Guddoomiya ku xigeenada loo doortay :- Axmed Cabdi Xasan (Wataac) 1-aad , Faadumo Cali Nuur 2-aad iyo Ibraahin Abuukar Shaamoow 3-aad.Dhanka Kale Mohammad Abdo Hagi ayaa loo doortay Xoghayaha Guud ee GOS, halka Guddoomiye Sharafeed uu noqday Cabdulqaadir Ibraahin Gacal Abkow.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here