Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya oo gaaray Koofur Africa.

0
112

Johannesburg (RKGS) Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya,Mudane Maxamed Sh Cismaan Jawaari ayaa booqasho ku tegey Dalka K/Afrika ,waxaana Garoonka diyaaradaha magaalada Johannseburg kusoo dhaweeyay Madaxda Safaaradda Soomaaliya ay ku leedahay Dalkaasi iyo qaar ka mid ah Jaaliyadda Soomaalida.

Guddoomiye Jawaari ayaa Warbaahinta Qaranka u sheegay inay booqashadiisu tahay mid iska caadi balse inta uu joogo K/Afrika la kulmi doono Madaxda Dowladda K/Afrika iyo Jaaliyadda.

“ Waa mahad Illahay inaan maanta socdaal gaaban kusoo gaarno,waxaan filayaa muddada gaaban ee aan joogno inaan Shirar la yeelan doonno Jaaliyadda Soomaaliyeed iyo madaxda South Africa”ayuu yiri Gudoomiye Jawaari.

K/Afrika oo ay Soomaali badan ku dhaqanyihiin,waxaa horay u soo gaaray qaar ka mid ah Madaxda Dowladda Soomaaliya oo kulamo kala duwan la yeeshay qaar ka mid ah Madaxda K/Afrika iyo Jaaliyadda.

46e6e312-931c-421d-a7cf-3c01211e858a-1

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

34579404-2c4f-45bf-a282-e38821ec4a90-1

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

a95da250-919b-4af3-961a-43f765ff6947-1

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

f0844cc9-17e7-4b85-9122-6ea67abadd37-1

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here