Guddoomiyaha cusub ee degmada Kaxda oo xilka la wareegay

0
82

Muqdisho(RKGS)…guddoomiye ku xigeenka gobolka Banaadir ee dhanka siyaasadda, mas’uuliyiin maamulka iyo qaar kamid ah dadweynaha degmada Kaxda ayaa ka qeybgalay Munaasabad uu xilka kula wareegayay guddoomiyaha cusub ee degmadaasi

Munaasabadaasi oo lagu qabtay xarunta degmada Kaxda waxaa xilkii wareejiyay Guddoomiyihii hore ee degmada Kaxda C/ladiif Xasan Badawi ,iyadoo lagu wareejiyay guddoomiyaha cusub mudane Maxamed Ismaaciil .

Mudane Maxamed Axmed Diiriye oo ah guddoomiye ku xigeenka maamulka gobolka Banaadir oo goobta ka hadlay ayaa sheegay in isbedelka xilalka uu qeyb ka yahay ka shaqeynta horumarka, isagoo xusay in loo baahan yahay in lala shaqeeyo guddoomiyaha cusub.

Guddoomiyaha cusub ee degmada Kaxda mudane Maxamed Ismaaciil   ayaa sheegay in howsha halkeedi uu  ka sii wadi doono,isagoo   ka codsaday bulshada ku dhaqan degmada iyo maamulka gobolka in  ay kala shaqeeyaan horumarka degmada.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here