Guddoomiyaha Maxkamadda sare oo kulamo la qaatay madaxda Jubbaland

0
95

Guddoomiyaha Maxkamadda sare ee Dalka Ibraahim Iidle Suleymaan ayaa kulamo kula qaatay Kismaayo madaxda maamulka Jubbaland.

Wafdigan oo Shalay ka ambabaxay Magaalada Muqdisho, ayaa kormeer ku sameeyay xarumaha ay ku shaqeeyaan Maxkamadaha Magaalada Kismaayo iyo Xabsiyada,iyagoo u kuur galay howsha Garsoorka ee maamulka Jubbaland.

Maanta oo Isniin ah ayay kulamo ku saabsan sidii loo adkayn lahaa Garsoorka iyo Maxkamada la yeelanayaan masuuliyiinta ugu sarreysa Dowlad Goboleedka Jubbaland iyo madaxda Wasaaradda Caddaaladda ee maamulkaasi.

Wafdigaasi uu hogaaminayo, Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee dalka waxaa ka mid ah Xeer ilaaliyaha guud ee Qaranka Dr. Axmed Cali Daahir.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here