Guddoomiyaha Midowga Afrika oo cambaareysay weerarkii Halgan, kuna tilmaamtay mid dhicisoobay

0
108

Guddoomiyaha Guddiga Sare ee Midowga Afrika Dr. Nkosazana Dlamini-Zuma ayaa si xooggan u cambaareysay weerarkii shalay Al-Shabaab ku qaaday xero ay degenaayeen Ciidamada Itoobiya ee ka tirsan AMISOM oo ku taal deegaanka Halgan ee Gobolka Hiiraan.

War saxaafadeed ka soo baxay Xafiiska Guddoomiyaha Midowga Afrika ayaa lagu sheegay in weerarkaas uu ahaa mid fashilmay, isla markaana khasaare culus uu ka soo gaaray Al-Shabaab.

Kooxda weerarka geysatay ayaa iska caabbin xooggan kala kulantay ciidanka Midowga Afrika ee AMISOM iyo kuwa Qaranka Soomaaliya, waxaana gaaray khasaare culus., Boqollaal ka tirsan dagaalameyaasha Al-Shabaab ayaa la dilay”ayay tiri Dr. Dlamini-Zuma.

Sidoo kale waxaa ay sheegtay in Ciidanka AMISOM iyo kuwa Qaranka Soomaaliya ay gacanta ku dhigeen hub badan oo ay isticmaaleysay kooxda argagaxisada.

Waxaa ay ku ammaantay ciidanka Itoobiya ee qeybta ka ah AMISOM iyo ciidanka Soomaalida sida deg degga ah ee ay uga jawaabeen weerarka iyo geesinimada ay muujiyeen.

“Weerarrada kan oo kale ah waxay muujinayaan dabciga liita ee Al-Shabaab, oo hadafkeeda oo qura uu yahay faafinta argagax iyo sii wadista dadaalkeeda ay ku doonayso inay wiiqdo xasiloonida Soomaaliya. Waxay tani sii adkaynaysaa go’aankeenna ah inaan sii wadno dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab tan iyo inta Soomaaliya laga xorraynayo dhammaan canaasiirta argagaxisada,” ayay tiri Dr. Nkosazana.

Waxay carrabka ku adkaysay in weerarka fashilmay uu caddayn u yahay awoodda ay AMISOM u leedahay inay si saameyn leh uga jawaabi karto halista argagaxiso.

Ugu dambeyn Guddoomiyaha waxay tacsi u dirtay qoysaska askarta geeriyootay, waxayna la xanuunsaneysaa kuwa dhaawacmay iyadoo u rajeyneysa caafimaad degdeg ah, waxaana ay ku celisay ka go’naanshaha Midowga Afrika inuu sii wado taageerada uu siiyo Dowladda Soomaaliya iyo dadkeeda ee dadaalka ugu jira inay helaan nabad waarta.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here