Guddoomiyaha xarunta Dhiirigelinta Haweenka Soomaaliyeed oo ka warbixisay howlaha ay qabtaan

0
58

Maamulka xarunta Dhiirigelinta Haweenka Soomaaliyeed ayaa sheegtay in ay xoogga saarayaan horumarinta haweenka, ayna gacan ku siinayaan haweenka sidii loo siin lahaa tababaro farsamada gacanta ah, si ay noloshooda ugu maareeyaan

Guddoomiyaha xarunta Dhiirigelinta Haweenka Soomaaliyeed Fartuun Axmed Cumar oo la hadashay Radio Muqdisho ayaa sheegtay in dhawaan ay 50 haween ah u fureen tababar la xiriira farsamada gacanta ah ayna sii joogteen doonaan tababarsiinta haweenka

Fartuun waxa ay tilmaamtay in 70 haween ah ay u sameeyeen kulan wacyi gelin ah si ay uga qeyb qaataan horumarinta dalkooda, Maadaama haweenku ay yihiin lafdhabarka bulshada.

Guddoomiyaha xarunta Dhiirigelinta Haweenka Soomaaliyeed ayaa ugu baaqday haweenka inay iska warqabaan oo ay sameystaan meelo ay ku kulmaan, si ay uga arrinsadaan doorka ay ku leeyihiin ka qeyb qaadashada hanaanka siyaasadeed ee dalka iyo dhanka horumarka bulshada intuba.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here