Guddoomiye Thaabit oo ka hadlay maqaamka Muqdish

0
101

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Thaabit Cabdi Maxamed ayaa sheegay muhiim in ay tahay mar walba in la helo cadaalad, sidaasi darteedna magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya weli ay sugeyso maqaamkeeda.

Waxa uu sheegay shacabka Muqdisho weli Dowladda Federaalka Soomaaliya gaar ahaan Baarlamaanka in ay ka sugayaan in Muqdisho ay hesho xaqii ay laheyd, taasi oo ay ku leedahay nidaamka Federaalka.

Sidoo kale Guddoomiye Thaabit ayaa sheegay Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya in uu horyaallo maqaamka ay leedahay magaalada Muqdisho, maadaama Dastuurka dalka uu dhigayo in labada Gole ee Dowladda ay sharci ka soo saarayaan maqaamka caasimadda.

“Markasta oo la soo qaadayo nabad iyo nolol waxaa aas aas u ah cadaalad in la helo, sidaasi darteed magaalada Muqdisho weli waxay sugeysaa in ay hesho xaqii ay laheyd”. Ayuu yiri Guddoomiye Thaabit.

Dowladda Federaalka Soomaliya ayaanan horey u cadeynin maqaamka ay leedahay magaalada Muqdisho, iyada oo shirar horey uga dhacay Muqdisho arrimaahaasi looga hadlay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here