Gudoomiyaha Baarlamanka oo sheegay in shaqada baarlamaanka u xayiran tahay xildhibaanada dhiman

0
90

Guddoomiyaha dib loosoo doortay ee baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari, ayaa ka hadlay xildhibaanada ka dhiman baarlamaanka Soomaaliya.

Guddoomiye Jawaari ayaa sheegay in baarlamaanka Soomaaliya shaqadiisa ay u xayiran tahay ilaa 14 xildhibaan oo ka dhiman baarlamaanka Soomaaliya.

Xildhibaanada ka dhiman baarlamaanka Soomaaliya ayaa waxaa kamid ah shan xildhibaan oo lagu celiyay maamul goboleedyada dalka, maadaama qaabka ay kusoo baxeen aad loo dhaliilay.

Sidoo kale golaha aqalka sare ee baarlamaanka ayaa waxaa ka dhiman labo xildhibaan, maadaama maanta seddex xildhibaan lagu dooranayo magaalada Muqdisho.

Doorashada madaxweynaha Soomaaliya ayaa waxaa la qorsheynayaa inay ka wada qeyb galaan dhamaan xildhibaanada baarlamaanka Soomaaliya.

Odayaasha dhaqanka ee ay ka imaanayaan xubanaha baarlamaanka ka dhiman ayuu ugu baaqay inay tanaasulaad sameeyaan si aan loogu sii daahin doorashada madaxweynaha Soomaaliya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here