Gudoomiyaha Gobolka “Qurba joogta waa in ay ka qeyb qaataan dib u dhiska dalka

0
101

Muqisho (RKGS)  Xarunta Aqalka Dowladda Hoose ee Muqdisho ayaa waxaa Xalay lagu qabtay Xaflad Casho Sharaf ahayd oo loo sameeyay qaar ka mid ah Qurba Joogta Soomaaliyeed ee dhawaan shir ugu soo gabagaboobay Muqdisho.

Sidoo kale Xaflada Cashada waxay ku saabsaneyd soo dhaweyn loo sameynayay Wafdi uu hogaaminayo Safiirka Dowladda Masar ee Soomaaliya oo ay ku jiraan ganacsato u dhalatay dalkaasi Masar.

Qaar ka mid ah Qurbo Joogtii Xaflada Cashada ka hadashay ayaa sheegay in ay sii wadayaan hormarinta iyo dib u dhiska dalka, waxayna sheegeen in wixii ay ku arkeen Muqdisho ay geynayaan dalalka ay ka yimaadeen.

Sidoo kale waxaa Xaflada ka hadlay Safiirka Dowladda Masar ee Soomaaliya Waliid Ismaaciil, waxa uuna sheegay in Dowladda Masar ay sii wadeyso taageerada Dowlada iyo Shacabka Soomaaliyeed.

Waxa uu sidoo kale sheegay in Mashaariic hormarineed ay ka fulinayaan gobolka Banaadir.

Gudoomiyaha gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Sheekh Yuusuf Xuseen Jimcaale ayaa dhankiisa sheegay in Qurba Joogta Soomaaliyeed looga baahan yahay in ay sii wadaan ka qeyb galka Barnaamijyada lagu hormarinayo Muqdisho.

Gaba gabada Xaflada ayaa waxaa Heshiis Iskaashi oo dhinaca Ganacsiga ah kala Saxiixday Gudoomiyaha Rugta Ganacsiga Soomaaliyeed Maxamuud Gabeyre iyo Gudoomiye Ku Xigeenka Rugta Ganacsiga Dowladda Masar Cabdi Sataar.

Heshiiska ayaa ahaa sidii labadaasi Ma’suul ay ugu wada shaqeyn lahaayeen hormarinta Ganacsi ee Dowladdaha Masar iyo Soomaaliya.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here