Gudoomiyaha Golaha Shacabka Soomaaliya Oo Maanta Soo Gaarey Baydhabo.

0
97

Wafdi uu hogaamniyay kusimaha madaxweynaha soomaaliya ahna gudoonka golaha shacabka ayaa maanta lagu soo dhoweeyay garoonka dayuuradaha Shaati Gaduud International Airport ee magaalada Baydhabo.

Waxaana garoonka dayuuradaha wafdiga ju soo dhoweeyay masuuliyiin ka maamulka koonfur galbeed soomaaliya oo ugu horeeyo madaxweyne Shariif Xasan Sheikh Aadan iyo labada gole ee maamulka.

Uljeedka safarkaan ayaa lagu sheegay iney tahay wadatashiyo uu guddoomiyaha golaha shacabka la sameyn doono madaxda iyo baarlamaanka maamulka K/galbeed oo lagu wado in fadhigiisi Shanaad uu furmo maalinta beri ah.

Gudoomiyaha baarlamaanka koonfur galbeed soomaaliya C/qaadir Shariif Sheikhuna Maye oo ka hadlay imtaanka gudoonka golaha shacabka soomaaliya ayaa sheegay inay tahay furidda kalfadhiga Shanaad ee baarlamaanka koonfur galbeed oo furmi doona 9 July oo beri ku beegan.

Kusimaha madaxweynaha ahna gudoomiyaha galaha shacabka soomaaliyeed Maxamed Mursal Sheikh C/raxmaan oo la hadlay warbaahinta ayaa booqashadiisa ku sheegay inay qeyb ka tahay booqasho uu ku mari doono dhamaan maamul gobaleedyada dalka ka jira.

Sidoo kale, inta uu guddoomiye Mursal ku sugan yahay magaalada Baydhabo wuxuu la kulmi doonaa madaxda maamulka iyo qeybaha kala duwan ee bulshada ku dhaqan magaalada Baydhabo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here