Gudoomiyaha Hiiraan oo baaq u jeediyay maamulka Puntland

0
102

hiraan (RKGS ) Gudoomiyaha gobolka Hiiraan Yuusuf Axmed Hagar oo la hadlay warbaahinta ayaa maamulka Puntland ugu baaqay in ay xayiraada ka qaadaan gawaarida ku xayiran deegaanada maamulka Puntland.

Yuusuf Axmed Hagar Dabageed ayaa sheegay in maamulka Puntland aysan qaadin tilaabo  ku habooneyn dadka kunool deegaanada bartamaha iyo sidoo kale deegaanada Puntland.

Gudoomiyaha gobolka Hiiraan ayaa sheegay in Gawaari badan oo ay leeyihin ganacsato kasoo jeeda gobolka Hiiraan ay ku xayiran yihiin deegaanada Puntland.

Gudoomiyaha gobolka Hiiraan ayaa ku baaqay in ay haboon tahay in laga shaqeeyo midnimada Soomaaliyeed.

Maamulka Puntland ayaa dhawaan joojiyay Gawaaridii ka imaan jirtay Koonfurta Soomaaliya, islamarkaana u gudbi jiray deegaanada maamulka Puntland.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here