Haweenay Musilmad ah oo Iska casishay xil wasiirnimo.

0
108

Swaziland (RKGS)- Wasiirada Tacliinta Sare ee dalka Swaziland Ayida Hadir Yalitish, ayaa Istiqaaladeedii u gudbisay R/wasaaraha Iswizirland  Steven Lovendahl ,kadib markii Polisku qabteen iyadoo cabsan, markii dhigeeda la abaarayna  laga helay Alkolo qiyaastii dhan 0.02, taa oo ah qiyaas aan qaanuuni ka aheyn Swaziland.

Shir jara’id oo ay Wasiiradu qabatay ayay ku sheegtay  in iyadoo bartamaha  magalada Malmo Gaarigeeda ku wadato, ay istaajiyeen Poliska, baaris kadibna dhiigeeda  laga helay Aalkolo.

Howeenadan Muslimadda ah oo lagu magacaabo Ayida Hadir Yalitish, oo 29jir ah waxay ku dhalatay  magaalada  Bosnia Harhes ,waxayna xilka wasiirnimo la wareegtay sanadkii 2014kii.

Waxayna wajahaysaa 6bilood oo  xabsi ah, waxaana la sheegay inay kulan la qaadaatay R/wasaaraha Iswizirland  Steven Lovendahl,ka hor inta ayan Istiqaaladeeda gudbinin.

Dawladaaha reer Yurub, ayaa ka mamnuuc ah in qof sarqaansan uu gaari wado, laakiin dalka Mareykanka ayaa la sheegay in loo ogol yahay wadista babuurta tiro aad u yar.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here