Haweeney Turkish Oo Taageerta Reer Falastiin Oo Lagu Maxkamadaynayo Yuhuudda.

0
108

Haweeneydaasi oo lagu magacaabo ERBU OZKAN waxaa shalay la soo taagay Maxkmad ku taalla magaalladda Quddus-ta La-haysto, iyadoo lagu eedeeynayo inay Boqolaal Dollar u gudbisay dadka Reer Falastiin.

lo dhinaca Ammaanka ayaa sheegay inay Haweeneydaasi oo 27-jir ah ay xiriir toos ah la leedahay  Dhaqdhaqaaqa Islaamiga ee XAMAAS.

Ebru Ozkan oo 27-jir ah waxaa bishii hore ee June 11-dii lagu qabtay  lagu qabtay xilli ay ka dhoofi lahayd Garoonka Diyaraadaha ee Ben Gurion airport oo ah kan ugu weyn Yuhuudda.

Hay’adda Ammaanka Gudaha Yuhuudda ee SHIN BEIT waxay sheegtay in Haweeneydaasi loo xiray iyadoo khatar ku ah Ammanaka Yuhuudda iyo inay xiriir la leedahay mid ka mid ah Kooxaha Mukhaawamadda ee Reer Falastiin, isla markaana ay u gudbisay bqolaal Dollar iyo Jarjarada lagu kaarikeeyo Mobayladda, waa sida ay hadalka u dhigeen.

Hay’addda ma shaacinin Magaca Kooxda Falastiiniyiinta ee ay Haweeneydaasi la sheegay inay xiriir la leedahay, balse Warbaahinta Yuhuudda waxay baahisay inay Haweeneydaasi lacago u gudbin jirtay Dhaqdhaqaaqa Islaamiga ee XAMAAS.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here