Heshiiska Taariikhiga Ah Ee Madaxweyniyaasha Donald Trump Iyo Kim Jong-un.

0
93

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump wuxuu sheegay in kulanka uu la qaatay hoggaamiyaha Kuuriyada Waqooyi Kim Jong-un uu kusoo dhamaaday mid miro dhal ah oo lagu kalsoon yahay.

Trump wuxuu sheegay inuu joojinaya dhoolatuska militari halka Kim uu ballan qaaday inuu burburin doono goobaha lagu tijaabiyo Nukliyerka.

Heshiiska ay wada galeen Kim iyo Trump waxay sheegeen inay dadaal ugu jiraan sidii Nukliyerka looga ciribtiri lahaa Gacanka Kuuriya iyo ka shaqaynta nabadda gobolka.

Mareykanka ayaa ka codsaday Kuuriyada Waqooyi in si dhamaystiran ay u xaqiijiso burburinta Nukliyerka.

Madaxweyne Trump wuxuu yiri “Waxaan filaya in labada dhinac ay ku farxi doonaan natiijada kulanka”

Kulanka kaddib hoggaamiyeyaasha waxay kala saxiixdeen dokumenti loo dhan yahay oo ku salaysan in labada dal ay xiriir cusub yeeshaan.

Kulanka Donald Trump iyo Kim Jong-un ayaa noqday kii ugu horreeyay ay abid qaataan madaxweyne Mareykan ah iyo hoggaamiye Kuuriyada Waqooyi ah kaddib markii sannoyin ka hor ay is dhaafsan jireen hadallo hanjabaad ah.

Waxay isku salaameen huteel loo dalxiis tego oo ku yaalla Jasiiradda Sentosa ee dalka Singapore ka hor inta ay u billaabanin wadahadalladah.

Trump oo saaxibtinimo dhaw u muujinaya hoggaamiyaha Kuuriyada Waqooyi wuxuu sheegay inuu aqalka cad ku marti qaadi doono Kim Jong-un.

Hoggaaamiyaha Kuuriyada Waqooyi wuxuu dhankiisa sheegay inay go’ansadeen in la hilmaamo wixii horay u dhacay, adduunkana lagu arki doono isbaddalo waawayn.

Dadka falaanqeeya siyaasadda gobolka ayaa kula aragti duwan qodobada ugu dambayn kasoo baxay kulanka, qaarkood waxay u arkaan kulan waxbo kama jiraan halka qaar kalena ay rumasan yihiin in kulanka uu noqon karo dhabihii nabadda loo qaadi lahaa.

Heshiiska labada dhinac ay kala saxiixdeen ma ahaan mid dhamaystiran balse waxaa kaliya ah ee ku xusan ah ayaa ah ciribtirka nukliyerka Gacanka Kuuriya.

Mareykanku wuxuu sheegay inuu xaqiijin doono ammaanka, inkasto aanan la sheegin waxaa looga la jeedo ama waxaa waxaa lagu doonaya in Mareykanka uu ciidamadisa kala soo baxa Kuuriyada koonfureed.

Kuuriyada Waqooyi iyo Mareykanka waxay ballan qaadeen inay sii wadi doonaan wadahadallo kale oo looga hadlaya amniga gobolka.

Waxaa laga yaaba in wadahadalladani ay soo afajri doonin ku dhawaad 70 sanno oo dagaal ah.

Sawirka lasoo qaaday ayaa muujinaya labada hoggaamiye oo is salaamaya, waxay astaan u noqonaysaa in labada dal ay xiriir wanaagsan yeeshaan kuwaaso muddo 20 sanno ah cadaw isku ahaa.

Trump iyo Kim Jung-un waxaa la socday oo kaliya ah markii ay kulmayeen labo qof oo u kala turjumo, waxayna hadleen in ka yar 40 daqiiqo, kaddibna waxaa kusoo biiray wufuud la taliyeyaal ah oo ka shaqaynayay qadadooda.

Waxaana kamid ahaa mas’uliyiinta joogay kulanka xoghayaha arrimaha dibadda Mareykanka Mike Pompeo iyo la taliyaha ammaanka John Bolton, dhanka Kuuriyada Waqooyi waxaa joogay madaxii hore ee sirddoonka Kim Yong-chol iyo wasiirka arrimaha dibadda Kuuriyada Waqooyi Ri Yong-ho.

Kim iyo Trump ayaa ku qadeeyay cunnooyin isku dhaf ah oo laga keenay dalalka reer galbeedka iyo Kuuriya.

Kulanka taariikhiga ah wuxuu dan ugu jiraa labada dal inkastoo horraan laga cabsi qabay inuu baaqdo.

Dad badan ayaa rumaysan in natiijada kasoo baxday kulanka aysan waxtar noqon doonin.

In uu la kulmo Kim madaxweyne Mareykan waxay u tahay guul maadama aabihiisa iyo awoowgiis aysan samaynin arrintaasi.

Madaxweynaha Mareykanka ayaa cadaadis ku hayay Kuuriyada Waqooyi oo ay kamid ahayd cunaqabataynta dhaqaale uu dalkaasi kusoo rogay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here