Hoos u dhac ku yimid Qiimaha xoolaha lagu iibiyo Hiiraan

0
103

Wararka inaga soo gaaraya magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan ayaa waxa ay sheegayaan in hoos u dhac uu ku yimid Qiimaha la iibiyo xoolaha kala duwan ee lagu iibiyo suuqyada gobolkaasi.

Arrintan ayaa timid tan iyo markii dhowaan Sicir barar uu ka bilowday qaar ka tirsan gobolada dalka, taasi oo timid kadib markii ganacsatada ay sheegeen in suuqyada la soo geliyay lacago been abuur ah.

Cumar Axmed Cawaale oo ka mid ah Ganacsatada suuqyada lagu iibiyo xoolaha nool ayaa warbaahinta Risaala u sheegay in ay hoos u dhaceen qiimaha lagu kala iibsado Xoolaha, sida Geella, Arriga iyo Lo’da, wuxuuna sheegay arrintan in ay sabab u tahay sicir bararka ka jira qaar ka tirsan gobolada dalka.

Sidoo kale hoos u dhaca ku yimid Qiimaha lagu iibiyo xoolaha ayuu ku sababeeyay in ay yaraadeen xoolihii laga keeni jiray degaanada Koonfur Galbeed, gaar ahaan gobolada Baay iyo Bakool, maadaama qof walba xoolihii uu u ceshanayo Ciida Carafada, xilligaasi oo dadka ay si aad ah u iibsadaan xoolaha gaar ahaan Arriga.

Cumar Axmed Cawaale ayaa sidoo kale sheegay Neefka Geella in markii hore la iibin jiray Kun Dollar iyo lacag ka badan, balse hada qiimahaasi uu hoos uga soo dhacay, sidoo kale Arriga ayuu sheegay in markii la iibin jiray lacago fiican, balse hada la iibiyo 30 Dollar iyo wax la mid ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here