Howgallo ka dhan ah Al-Shabaab oo ka bilowday degmada Ceelbarde

0
150

ceelbade (RKGS) Ciidanka dowladda Soomaaliya ayaa isku diyaarinayaa howgal balaaran oo lagu doonaayo in lagu furo degmada Ceelbarde sida ay sheegeen Madaxda degmada Ceelbarte ee gobolka Bakool.

Ciidanka dowladda Soomaliya ayaa doonaaya in ay u furaan wadooyinka soo gala degmada Ceelbarde oo ay go’doomiyeen ururka Al-Shabaab.

Gudoomiyaha degmada Ceelbarde oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in ciidanka dowladda Soomaaliya ay u diyaar garoobeen howgal xoogan oo lagu qaadaayo deegaano hoos yimaada degmada Ceelbarde oo ay gacanta ku hayaan ururka Al-Shabaab.

Gudoomiyaha degmada Ceelbarde Cabdirisaaq Cameer Cumar ayaa sheegay in ay dhawaan bilaabayaan howgalo ka dhan ah Al-Shabaab oo laga sameynaayo deegaanada Hoos yimada degmada Ceelbarde.

Gudoomiyaha ayaa sidoo kale waxa uu sheegay in ammaanka degmada Ceelbarde la isku haleynkaro.

Waxa uu sheegay in dadka kunool degmadaasi ay u baahan yihiin gar gaar deg deg ah Madaam ay go’doomiyeen Ururka Al-Shabaab.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here