Howlgallo Ka Dhan Ah Maleeshiyada Al-Shabaab Oo laga sameeyay Gedo

0
135

Wararka inaga soo gaaraya Degmada Baardheere ee Gobolka Gedo ayaa waxa ay sheegayaan Ciidamo ka tirsan Dowladda Federaalka in xalay ilaa saakay ay halkaasi ka sameeyeen Howlgallo gaar ah.

Howlgadan ayaa yimid kadib markii Labo Bambo gacmeed lagu tuuray fariisin Ciidanka Dowladda iyo kuwa AMISOM ay ku leeyihiin Degmada Baardheere ee Gobolka Gedo, inkastoo wax khasaare ah aysan geysan.

Ciidanka Dowladda iyo kuwa AMISOM ayaa waxa ay Howlgalada ka sameeyeen xaafadaha ay ka kooban tahay Degmada Baardheere ee Gobolka Gedo, iyagoo ku raad jooga raggii dambeeyay weerarkii xalay.

Dadka Degaanka ayaa Risaala u sheegay in ay arkayeen Ciidamada oo dhowr iyo 10 Qof ku soo qabtay Howlgaladan, kuwaas oo indhaha ka xiran, waxaana loo kaxeeyay xarumaha dambi baarista Ciidanka Dowladda.

Xaalada Degmada Baardheere ee Gobolka Gedo ayaa saakay waxa ay tahay mid degan, waxaana shacabka ay ku soo tooseen jawi degan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here